Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay taliye ka tirsanaa ciidanka ilaaladda xeebaha oo shalay lagu dilay Lawyo-cade.
Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa tacsi u diray Ehelkii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb).
Marxuumkaasi oo shalay askari ka tirsanaa ciidanka uu xukumayay uu ku dilay Rugta Ciidanka ee Lawyacado.
Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL isagoo ku hadlayay magaciisa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Magaca Ciidamada kala duwan ee qalabka sida Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb).
Waxaanu wasiirku marxuumka Eebe uga baryayaa in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkii, Qoyskii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo.
Geesta kale markii dilku dhacay isla markiiba Ciidanku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka geystay.
Waxaana gacanta ku haya Hay’adda amniga, waxaa si dhakho loo horgeynayaa gacan ku dhiiglaha sharciga.
Iyadoo na isla markiiba la diyaariyey Maxkamaddii la saari lahaa gacan ku dhiiglaha.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.