Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo qaabiley Safiirka Itoobiya

0
2714

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta qaabiley Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland, Ambassador Teshome Hamito.

Kulankan dhexmaray Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland, ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda.

Kulankan ayay Wasiirka iyo Safiirku kaga wadahadleen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha kale oo labada dal muhiim u ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa danjire Teshome Hamito guul u rajeeyay muddada uu joogo safaaradda Itoobiya ee Somaliland.

Safiirka Itoobiya ee Somaliland Teshome Hamito, ayaa magacaabistiisu qayb ka tahay xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaana dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here