Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo qaabiley Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay

0
1983

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa waxaa uu maanta qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramadda Midoobay u fadhiya magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland Nikolai Rogosaroff.

Kulanka dhexmaray Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland, ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Ugu horayn, kulanka, ayaa waxaa uu ahaa mid ay isku isbaranayeen Wasiirka Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland, maada ay xukuumad cusub ka dhalatay Somaliland.

Wasiirka iyo Masuulka, ayaa waxaa ay sidoo kale kulanka kaga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas waxa wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Axmed Abokor Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here