Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika + SAWIRRO

0
943

Cape Town, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay dhaqaalaha qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisu martigeliyay shirkaas.

Wasiirka iyo Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal kadib markii Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka la soo xidhay.

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga waxsosoaarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya carqalabadda nabadgelyada mustaqbalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxu aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika iyo fursadaha xadidan ee horumarinta xirfadaha iyo shaqada oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo dhibaatooyinkan xal u noqon kara sida siyaasado waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah

Waxa ka mid ah masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandayaashan sare masuuliyiin xilal sare haya oo metelyay wadamada South Afrika, Malawi, Canada, Uganda, Uk iyo dhinacyo kale.

Photo2 mad

Sidoo kale, Wasiirku wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee CNBC kaasoo uu kaga hadlay hadlay nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay hawlbawle ugu tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo qaaradaba iyo weliba iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabaty

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here