Wasiir Xirsi Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisa Turkiga

0
1123

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga, halkaasi oo isaga iyo wasiirka khaarajigu u tageen dejinta ajandaha Wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia.

Wasiir Xirsi oo safarkiisan faahfaahinaya ayaa yidhi “Waxay ahayd abaaro Shantii galabnimo “5pm” Kadib markaan soo nabad gaadhay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Guud ahaan safarkan oo qaatay mudo todobaad ah ayaan ku joogay dalka Turkey-ga halkaas oo aan aniga iyo Wasiirka Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mud, Maxamed Biixi Yoonis u tagney gogol xaadhka iyo samaynta Agende-yaasha Shirka wada hadalada dawladaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya .

Socdaalkan shaqo ayaa noogu soo dhamaaday si haboon isla markaana aan soo gaadhnay ujeedooyinkii aanu u tagney.

Sida aad la socotaan dawlada Turkey-gu waxay xil weyn iska saartay wada hadashiinta dawladaha Somaliland iyo Soomaliya si dawlad walba miiska u keento Masiirkeeda Mustaqbal .

Xukuumada Somaliland-na marwalba waxaa ka go’an xaqiijinta rabitaanka shacabka Somaliland oo ku dhisan afti shacab iyo rabitaan umadeed.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here