Wasiir Sacad: Waxaa Loo Baahanyahay In Taariikhda iyo Qadiyada Somaliland La Gaadhsiiyo Soomaaliya

0
2296

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa waxaa uu sheegay in loo bahanyahay in taariikhda Somaliland la gaadhsiiyo Soomaaliya.

Wasiir Sacad Cali Shire oo hadalkan ka sheegay buug ka hadlaya taariikhda Somaliland oo maanta lagu soo bandhigay magaaladda Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in loo bahanyahay in taariikhda iyo qadiyada Somaliland la gaadhsiiyo ururo iyo dowlado Soomaaliya kamid tahay.

Geesta kale, wasiirka maaliyada, ayaa waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay qadiyada Somaliland gaadhsiiyaan ururka AU ee Afrika iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here