Wasiir Sacad oo muddeeyay shirweynaha saddexaad ee madasha dhaqaalaha Somaliland

0
1128
Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa waxaa uu sheegay in shirweynihi saddexaad ee madasha dhaqaalaha Somaliland ee sannadka 2024-ka la qabanayo 8 bisha October.

Wasiir Sacad, ayaa waxa uu xusay in shirkani uu kulmiyo, xukuumadd, ganacsatada iyo aqoonyahanka, iyada oo lagu lafa-guro arrimaha dhaqaalaha dalka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in sannadkan hal ku dhig looga dhigey, horumarinta dhaqaalaha, waxaanu tilmaamay in la horumarinayo adeegbixinta bulshada.

Wasiirka, ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay in dhaqaalaha dalka Somaliland uu ku fadhiyo qaybta gaarka loo leeyahay ee la yidhaahdo ganacsiga.

“Shirkan shaqaalaha sannadkani waa sannadkii saddexaad, waxaana qabanqaabiya wasaaraddaha ku bahoobay guddida dhaqaalaha ee golaha wasiiradda.

Shirkani waxa uu isu keena dowladda, ganacsatada, aqoonyahanka, waxa lagaga dooda arrimaha dhaqaalaha, ee markaas jira iyo kuwa soo socdaba, hal-ku-dhigiisuna waxa weeye, wada shaqaynta hay’addaha dowladda iyo u adeegista maalgashadayaasha iyo ganacsatada, innaga dhaqaalaheenu waxa uu ku fadhiya qaybta gaarka loo leeyahay ee la yidhaahdo ganacsiga” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here