Wasiir Koore oo la kulmay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Sanaag

0
751

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Suleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka, waxgaradka, iyo haldoorka beelaha dega bariga iyo koonfurta magaalada Ceerigaabo.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada ee gobolka Sanaag.

Dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa waxaa ay ka qayb qaateen dood, iyagoo wasiirka la wadaagay aragtiyo iyo talooyin.

Waxayna wasiirka u sheegeen inay garab buuxa u yihiin isaga iyo xukuumaddiisa Kulmiye, ayna diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan xisbiga.

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyay dhamaan aqoonyahanka iyo dhallinyarada sida weyn u soo dhowaynaya.

Wuxuu sidoo kale ku dardaarmay inay xoojiyaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada ee magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu kulamo isdaba-joog ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here