Wasiir Koore iyo Wakiilka Ingiriiska oo Ka Wadahadlay Xadhiga Telefishanada Star iyo Universal

0
1908

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dawladda Somaliland MR Stuart Brown.

Kulankan oo ay warbaahintu dibed joog ka aheyd intii uu socdey waxa warbaahinta qaranka xog-waran ka siiyay, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxuuna uu sheegay inay dawladda Ingiriiska ay ka wada hadleen xeerka saxaafadda Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Wakiilka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dowladda Somaliland MR Stuart Brown ayaa ka wadahadley xadhiga labada Telefiishan ee Star iyo Universal.

“Waxanu ka wada hadalnay xeerka saxaafadda iyo telefashinadii la xidhay oo xagayaga aanu xog buuxda ka siinay sida ay dawladda Somaliland caanka ugu tahay telefashinada, Wargeysyada iyo Mareeg balse annay ahayn kuwa ku degdegaya xadhigooda, waxa aanu u cadaynay saddex qodob oo kala ah Madaxbanaanida, ammaanka iyo Sumacada Qaranka oo aan la aqbalayn cid wax u dhinta” ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here