Agaasimaha Shirkada HEMA BOOKS oo Ka Waramay Dedaalka Ay U Galeen Wanaajinta Manhajka Somaliland

0
1628

Hargeisa (Hargeisa Press)- Agaasimaha shirkadda HEEMA BOOKS Xasan Cali, oo khudbad ka jeediyay daah-furka Manhajka ayaa ka warramay dedaalka ay u galeen wanaajinta Manhajka Somaliland.

Agaasimaha Heema Books ayaa sheegay in markii Manjahanka ay Qandaraaskiisa ku guulaysteen shirkad ahaan 2019-kii ay farsamo ahaan waafajiyeen nidaamka Manaahijta loo daabaco, iyaga oo ka duulaya fahamka Bulshadda iyo habka ay u doonaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Waxaa uu sheegay agaasime Xasan in markii ay Hema Books gacanta ku dhigtay manhajka ay culayska saartay in Manhajkaasi uu noqdo mid tayadiisu aad u sarayso oo dhiiri geliya Ardayda iyo Waalidiinta.

Shirkada Hema Books ayaa dedaal dheer u gashay sidii Somaliland u yeelan lahayd Manhaj mideysan oo meesha ka saaraya kuwii dadku sida gaarka ah u soo Daabacan jireen iyo sidii ay manhaj tayo leh u heli lahaayeen shacabka Somaliland.

Sidoo kale, HEMA Book ayaa ah shirkadii ugu horeysay ee dalka laga hirgeliyo ee maal-gelisa Buuggaagta Qalinlleydu qoraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here