Wasiir Kaahin: “Xisbi Siyaasadeed ma Sheegan karo Wakiil u Taagan Isbedel”

0
1491
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in aan xisbi sheegan karin isbeddel, iyadoo nin garboodkiisu yahay kuwii ka duday KULMIYE.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sidaasi waxa uu ku sheegay qoraal uu caawa ku daabacay bartiisa X (Twitter)-ka. Waxaanay farriintiisu u qornayd sidan:-

“Xisbi siyaasadeed ma sheegan karo inuu yahay wakiil u taagan isbeddel, iyadoo inta badan xubnaha hormuudka iyo jileyaasha u ahi ay yihiin xubnihii ka duday xisbul-xaakimka KULMIYE.

Arrinkoodu ma la odhan karaa waa is- dhaqid, is-biyo raacis iyo dib u soo noolaynta shaqaale cabban oo ka dhacay sallaanka talada wakhti xaadirkan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here