Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ayaa eedayn u jeediyay xisbiyada mucaaradka.
Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu sheegay in ay sharaf dhac weyn tahay in magac beeleed ay isticmaalaan shaqsiyaadka ku biira xisbiyada mucaaradka.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay tahay haybad darro siyaasadeed oo aanu shaqo ku lahayn xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aanu Somaliland Madaxweyne ka noqon doonin ninka leh SNM ma jirto, oo aanu Somaliland aqoonsanayn.
Wasiirka, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay khudbad ka jeedinayay munaasibad uu xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayay taageerayaal ku soo biiray.