Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga WADDANI, kadib heshiiskii isbahaysiga KAAH

0
1671

Hargeysa (HargeisaPress)–Khilaaf hor leh, ayaa ka dhex-qarxay murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, khilaafka oo in muddo ah huursanaya ayaa hada debeda u soo baxay.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo xubno Ganacsato ah oo isu xilqaamay inay soo af-jaraan khilaafka hoggaanka xisbiga, ayaa ku guul-daraystay inay soo afjaraan khilaafkaasi.

Waxaana lagu kala kacay kulan laysku soo hor fadhiisiyey murashax Cirro iyo Guddoomiye Xirsi ka dib markii siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani oo ka soo jeeda beesha murashax Cirro aflagaado qaawan kula kacay Guddoomiye Xirsi, halka qaar ka mida madax dhaqameedka beeshu ku canaantay inuu faro-madhan ka taagan yahay beeshiisa Isla markaana lagaga awood Batay,

Dhanka kale, murashaxa Xisbiga Waddani, ayaa gelinkii danbe ee maanta amray, in warbaahinta laga saaro hadal Guddoomiye Xirsi ka jeedeyey madal mehera, taas oo uu ku duray Ururka Kaah.

Waxaanay taasi gaas iyo dab ku sii shiday khilaafka labada masuul ugu danbayna waxaa dhamaan warbaahinta xisbiga laga saaray hadalkii Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale, waxaa magaalada Hargeysa ka socda kulamo qarsoodiya oo ka dhana Guddoomiyaha xisbiga, kulamadas oo ay yeelanayaan Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda Beesha Cabdiraxmaan Cirro, kuwaas oo si adag uga soo hor jeeda Guddoomiye Xirsi.

Dhanka kale, qaar ka mida taageerayaasha xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiin ka ag-dhow murashaxa xisbiga, ayaa baraha bulshada ku baahiyey, hadalo lagu aflagaadeynaayo Guddoomiyaha xisbiga, waxaana laba qaybood u kala jabay taageerayaasha Xisbiga kuwaas oo sida muuqata la kala saftay labada dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here