Wasiir Kaahin: “Ma jirto cid kursiga xoog kaga qaadan karta Kulmiye”

0
1387

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in hadii laga helo doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto 13 bisha November ee sannadkan, ay ka xisbi ahaan ay kursiga wareejin doonaan.

Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin cid kursiga xoog ku fuuli karta ama cid xoog ku haysan karta.

Wuxuu sheegay in xisbiga Kulmiye aanu xoog ku fadhiisan karin kursiga, xoogna kusii haysan karin, islamarkaana aanu jirin xisbi kursiga xoog kaga qaadanaya Kulmiye.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu aqbalay natiijada doorashada kadib markii uu xisbigii UDUB kaga guulaystay 82 cod oo kali ah doorashadii 2003.

Waxaa uu tilmaamay in ay aqbalaadooda u sabab ahayd Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiye go’aan leh oo qaadan kara jawaabta qadhaadh.

Xisbiga Waddani, ayuu sheegay in laga waayi karo hoggaamiye qaata go’aanka doorashada hadii laga guulaysto.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa ku baaqay in la galo ollole ka madhan cunfi oo jawi walaalnimo ah ku dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here