Dariiqii Dheeraa ee loo maray Xornimada Somaliland 26 June 1960-kii

0
1291

Hargeysa (Hargeisa Press)- 25-kii May sanadkii 1960-kii, ayaa waxa booqasho ku tegay Dalka Ingiriiska Wefti uu hogaaminayo Alle ha u naxariiste Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, weftigaasoo ujeeddada socdaalkoodu ahayd inay boqortooyada Biritan u gudbiyaan dalabka doonista Xornimada iyo in laga soo dedejiyo wakhtiga ay hore ugu muddeeyeen oo ku beegnayd Bishii December ee sanadkii 1960-kii, iyadoo Ingiriisku horaantii bishii May ee isla sanadkaasi ku dhawaaqay inay dadka reer Somaliland siinayaan gobanimadooda.

Weftiga uu hoggaaminayey alle ha u naxariisteen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ay Xoghayaha Dowladda Ingiriiska u gudbiyeen codsiga ay ku dalbadeen Xornimada, waxaanay isla markiiba kala kulmeen jawaab ogolaanshiyo ah, iyagoo aan wax shuruud ah ku xidhin.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Warbaahinta BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga la hadlay, maalin kaddib markii uu soo baxay go’aanka aqbalaada Dowladda Ingiriisku ku ogolaatay dalabka weftigiisa, ayaa shacbiga Somaliland ku booriyey hadallo u muuqday inay guubaabo u yihiin dariiqa dheer ee uu gobanimo-doonku soo maray iyo baaxada howsha culus ee u taalla wixii ka dambeeya maalinta talada lagu wareejiyo ee xukunka gacanta loo soo geliyo.

“Maanta waxaynu joognaa waddo dheer oo aynu soo marnay madaxeedii, hase yeeshee mid tii ka dheer ayeynu bilaabaynaa. dawladnimadii helnay maanta, hase yeeshee tacab badan iyo howl badan ayey iyana la imanaysaa. markaa maanta dagaalka kii u horeeyey ayeynu ku guulaysanay, kii ka weynaana wuu hadhay”ayuu yidhi alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hadalkiisu iftiiminayey caqabadaha iyo fursadaha ku gedaaman hayaanka dheer ee Somaliland sugaya xoriyad-helida kaddib.

Heshiisyada iyo is-weydaarsiga waraaqaha ee u dhexeeya Dawladda Boqortooyada Ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo dowladda Somaliland ee la xidhiidha helitaanka Madax-bannaanida ee dalka Somaliland

Wakhtigan la weedhaaminayo Haanta gobanimada, waxa isaguna jiray dareen baaxadiisa leh oo ku lamaanaa Olollaha xornimo-doonka. waxa uu ahaa barnaamij jibo iyo jaan-goyn la’aan ku socday oo u muuqday inuu ka miisaan cuslaa go’aamadii hoggaamiyeyaasha Siyaasadda, kaasoo ahaa rabitaankii Israaca Somaliland iyo Soomaaliya oo iyagana markaasi loo muddeeyey inay xornimada qaadato 1-dii Jully ee isla sanadkaasi 1960-kii oo ku beegnayd maalmo kaddib marka Somaliland xornimada hesho.

Waxa jiray go’aamo ka soo baxay Golihii baarlamanka ee la doortay Bishii Feberaury ee sanadkaasi waa 1960-kiiye, golahaasoo fadhiyadiisii u horeeyey la hor keenay laba ajande oo isku lifaaqnaa oo dulucdoodu ahayd inay Somaliland gobanimada hesho 26-june 1960-ka iyo in 1-da Jully maalinta Soomaaliya xoriyada qaadato uu dhaco Israaca labada, Somaliland iyo Soomaaliya.

Doodda labadan ajande ma ahayn mid sahlan, waxaana si weyn ugu kala qaybsamay xubnihii Baarlamanka Somaliland oo tiradoodu dhamayd 33 xubnood iyo Wakiilladii Dowladda Ingiriiska oo fadhiyada kaga qaybgalay metelaada Boqortooyada Ingiriiska, tiradooduna ay ahayd 3 xubnood. sida ku qoran diiwaanka Taariikhaha doodda Xildhibaannada Somaliland waxay u badnayd in xornimada kaddib Israaca Somaliland iyo Soomaaliya dhaco, halka ay xubnaha Ingiriisku soo jeediyeen in israaca amma midnimo dhab ah oo dhacdaa ku timaado qorshe si weyn looga baaraan-degay oo ku dhisan heshiisyo labada dhinacba dani ugu jirto oo wax lagu wada yeellano.

Waxaana waxyaabaha ay hogga-tusaaleeyeen kamid ahayd qadiyada dhulka Hawd and Reserve Area oo ay ku dooddeen in maalinta ay Dawladdoodu wareejiso xukunka dalka ay meesha ka baxayso taladii iyo taageeradii ay ku bixin jirtay boqortooyada Ingiriisku.

Sidaasi awgeed loo baahan yahay inay labada dhinac Somaliland iyo Soomaaliya ka yeeshaan qorshe cad kohor intaanay isku-biirin. waxa kale oo ay iftiimiyeen in loo baahan yahay in fursad la siiyo dawladnimada labada dal, si dhan walba uu hoosta uga soo dhismo, kaddibna marka ay timaado saaxad midnimo ay israacaan.

Tusaale kale, qodobada ay soo jeediyeen qolyaha Ingiriisku waxa kamid ahaa, in laga wadahadlo oo heshiis laga gaadho sidii loo samayn lahaa Dastuur qeexaha israaca labada dawladdood, isla markaana ilaalinaya xuquuqda labada dhinac, sidoo kale laga heshiiyaa, qaab–dhismeedka Dawliga ah ee ay qaaadanayaan. Afka rasmiga ah ee Dawladdu ku shaqaynayso, habka cashuuraha, lacagta la isticmaalayo iyo nidaamka Doorashooyinka.

“Arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashadaa waxa ay tahay arrinta Hawd and Reserve Area. maalinta xornimad aad qaadataan ee midowgu dhaco, waxa dhamaanaya xilkii ka saarnaa maxbiyada Somaliland, haatana dawladda Ingiriiska, ayaa bixiya kharashka ku baxa, haddii aan heshiis cusub laga gaadhin howlaasi oo dhami ma soconayaan oo way joogsanayaan” ayuu yidhi Douglas Hall, oo ahaa Badhasaabkii xilligaasi ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa maxbiyadda Somaliland, isagoo digniinno badan siiyey hogaamiyeyaashii siyaasadda hogaaminayey wuxuu ku adkaystay “Khatar ha gelinina dadkiina”

Hase yeeshee arragtiyahaasi ay qabeen Ingiriisku waxa ka awood batay oo muqiiniyey afkaartii baarlamanka Somaliland, waxaanay taasi keentay in natiijadii doodda goluhu iyadoo qaraar ah lagu lifaaqo codsigii xornimada ee Dowladda Ingiriiska loo gudbiyey. waxa xusid mudan in waxyaabaha ku kelifay Mudaneyaasha shacbiga Somaliland soo doorteen go’aankan doonista israaca Soomaaliya inuu ahaa laba qodob oo kala ah in xornimada kaddib la helo dawlad ka dhaxaysa Dadka Afka Soomaaliga ku hadla oo dhan amma waxa loo yaqaano shanta Soomaaliyeed iyo in israaca kaddib talo cod iyo cudud buuran lagu raadiyo soo celinta Dhulka Hawd and reserve Area oo inay khiyaamo cad ahayd bixintiisu laysku raacsanaa, waxyaabihii cadhada shacabka Somaliland sii hurisayna kamid ahaa intii uu socday gobanimo-doonku.

Si kastaba ha ahaatee, halgan iyo hayaan dheer kaddib 26-kii june 1960-kii ayey ku dhashay dhiishii xornimadu. waxaana magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland laga taagay calankii u horeeyey ee Dhul Soomaaliyeed laga qotomiyo. waxaanay ahayd wakhti aanay wadamada Afrika badankoodu xoriyad helin.

Munaasibad si weyn loo diyaariyey oo dadka magaalada ku noolaa badankiisu u soo baxay, ayaa lagu qabtay goor galab barxad ku taallay halka uu iminka ka dhisan yahay Masaajidka Ibraahim Dheere. halkaasi ayaa saacaddo loogu dabaal-degay guusha xornimada, waxaana lagu dejiyey calankii Ingiriiska, iyadoo uu gacantiisa ku dejiyey Nin la odhan jiray Karral oo ka socday Dowladda Biritan, kaasoo inta uu saddex jeer ka talaabsaday markuu dejiyey, inta uu laalaabay isagoo ilmaynaya kilankilada gashaday.

Halkaasi waxa suugaan kala duwan oo ay ugu dabaal-degayaan xornimada la helay ku soo bandhigay suugaanyahannadii xilligaasi calanka u siday fanka, kuwaasoo uu kamid ahaa Alle ha naxariistee Cabdilaahi Suldaan Timo Cade oo tiriyey geeraarkiisa caanka ah ee kana-siib kana saar (Dhaxal).

Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacade

 

Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay I su’aala hadhow

Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrayeaha

Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar.

Abaaro 12:01 habeennimo ee isla maalintaasi, ayaa calankii Somaliland lagu saaray munaasibad balaadhan oo lagu qabtay goobta ay hadda ku taallo xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa nawaaxiga beerta Xoriyada, iyadoo xafladii weynayd ee damaashaadkana lagu qabtay beerta Xoriyadda oo markii hore xero u ahayd Fardaha Gaalada.

Alle ha naxariistee Abwaan Saxar-diid Maxamuud Jabiye oo kamid ahaa bahdii Suugaanta ee habeenkaasi ilaa maalinimadii dabaal-dega hogaaminayey Maaweeladda iyo baraarujinta shacabka, ayaa ku tilmaamay dharaartaasi mid bulshada Somaliland u siday laba marxaladood oo kala duwan, hase yeeshee isagoo dareenkiisa gaarka ah cabiraya waxa uu yidhi “waxay ahayd maalintii iigu farxada badnayd iyo maalintii iigu muruggada badnayd. waxay ahayd maalintii iigu farxada badnayd oo waxaanu ka soo baxnay mugdi gunnimo ah, waxaanan u soo baxnay duni iftiin ah oo waxaynu ka soo baxnay mugdigii gumaysiga” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey “farxadii iyo reynreyntii maalintaasi way u eegtahay maanta. waxaynu haysanaa nabad, calan, dawladnimo iyo horumar”ayuu ku sheegay waraysi uu bixiyey 2017-kii oo uu nolol ku soo gaadhay “dareenka dadka ee waddaniyadu waa mid maalintii 26 June u eeg”ayuu ku daray.

Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye

 

Waaggaa beryay 26 June 1960-kii. maalmaha cusub ee u bilaabmay reer Somaliland. cadceeda ka soo baxday Geeska Afrika, waxa jiidanayey oo sidii aynu horeba u sheegnay ka xoog iyo xiiso badnaa in iyada oo aan dawladnimadaas salka loo adkayn oo aan wakhti la siin dabeyshii raadinta shanta Soomaaliweyn loo banbaxo, taasoo ay maalmo kaddib madaxdii hogaaminaysay Dawladda Somaliland qorshaheeda iyo gole geynteeda u socdaaleen Xamar oo uu ka socday xifaaltan siyaasaddeed.

Arrinta israaca Somaliland iyo Soomaaliya, micno weyn kama lahayn dhinaca Soomaaliya, waxayse ahayd qadiyad dhinaca Hargeysa aad looga danaynayey, waana sababta keentay in shuruud la’aan iyo gorgortan la’aan uu ku dhaco Israacu, iyadoo aan wax midnimo ah meel laysla dhigin oo aanay dhicin haba-yaraate midnimo laba dal amma laba dawladdood oo sharci ah, inkasta oo ay jireen qodobo bilowgii laysla qaatay oo ay markiiba ka baxday Soomaaliya.

haddaan eegno sidii uu u dhacay Israacii Somaliland iyo Soomaaliya iyo natiijada riyadaasi oo noqotay mid lagu hungoobay, waxa inooga soo baxaya fahamka qadiyadaasi in aanu jirin haba yaraadee sharci dabrayey in ay Somaliland ka sii mid ahaato Soomaaliya, taasoo meesha ka saaraysa fikirka ay ku dhegsan yihiin hogaamiyeyaasha maamulla nidaamka Fashilmay ee iminka ka jira Muqdisho.

Tusaale ahaan, Isu-tagii Hargeysa iyo Xamar, ma jirin midnimo sharci ah oo Qaranka Somaliland iyo Somaaliya isku raaceen, haddii uu jirona qofkii hayaa badka ha soo dhigo.

Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen marka ay midoobaan inay la baxaan magac cusub oo ah Jamhuuriyada Somaali (Somali Republic ama af Talyaani Republica Somalo).

Nasiib darose Soomaliya iyada oo aan kala tashan xukuumaddii iyo Barlamaankii Somaliland ee hilowga ugu tegay, ayey codsi u dirtay UN-ta iyaga oo magac Soomaaliya ku waydiistay in loo ogolaado inay xubin ka noqoto Qaramada midoobay, wayna ka ogolaatay Qaramada Midoodbay ,sidaasna UN-ta iyo Soomaaliya waxa ay Somaliland kaga galeen dambi maxakamad lagu saari karo oo ay ku xadgudbeen arrimihii aasaaska u noqon lahaa israaca labada dawladdood.

Qaramada midoobay waxay meel marisay codsi ka yimi labadii dal ee israacu dhexmaray mid kamida oo magacii ay ku xukumi jirtay keensaday, kaasoo ahaa (UN trusteeship of Italian Somalia), isla markaana ugu ogolaatay inuu yeesho kursiga xubinimada Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

Waxaanay taasi muujinaysaa inay Soomaaliya khiyaamaysay Somaliland bilowgiiba, kana baxday wixii ay isku ogaayeen hogaamiyeyaashii labada dhinac, taasina waxaynu odhan karnaa 1960-kii ayey Soomaaliya iyada oo aan midnimo la dhisin ka goostay Somaliland.

Waxa kale dhacday in sad-bursi lagu sameeyey dhismihii dawladnimada ee ahayd in lagu unko qaab lagu wada qanacsanyahay, isku-dheeli-tirka xubnihii labada baarlamaan oo ay ahayd in mid waliba yeesho 43 xubnood oo ay Soomaaliya inteedii haysatay, halka Somaliland tiradii ay la tagtay oo ahayd 33 xubnood oo kaliya la siiyey.

Labadan qodob, ayaa hami-jab iyo hungow ka dhigay himiladii raadinta Soomaali-weyn ee Hargeysa u geysay Xamar, waxaana bilowgiiba quwad jabay yuhuuntii qabka weynayd ee reer Somaliland.

Dhanka kale, iyada oo uu sanado badan jiray saluug laga qabo hab-qaybsigii Israaca labada dal, ayuu kelidii Taliyiihi Siyaad Barre markii uu xukunka qabsaday kaddib Shacbka Somaliland Xasuuq ba’an u gaystay, isagoo dhanka kale laab-laabay rejjadii laga qabay in mar uun cadaallad la helo, taasoo iyaduna dabka ku sii shiday is-diidmooyinkii uu ku bilaabmay Israacu, sababtayna dhiigbax iyo dhaawac loo geystay dadkii gobanimadooda Koonfur ula hilloobay.

Xasuuqii loo geystay Somaliland Beesha Caalamku illa imika waxba ka qaban, kuwii geystayna waxa ay madax ka yihiin maamulka Xamar fadhiya ee Beesha Caalamku masruufto amma ay Ilaalisaba, taasoo iyaduna ah falaadh kale oo ku mudan dadka Somaliland ilaa imika, adduunkana ku ah hal-xidhaale aan wali jawaab laga bixin.

Geesta kale, Natiijada aan la mahadin ee laga dhaxlay israacii Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ku bilaabmay khiyaamooyin, xaqiraad, cadaallad-darro iyo dulmi gaadhay heer la xalaalshado dhiigii maatida Umadda Somaliland, waxaanu ku dhamaaday in soddon sanno kaddib Somaliland xornimadeeda kula soo noqoto halgan qadhaadh oo kii Ingiriiska ay gobanimada kaga qaadatay kaga khasaare iyo dhibaato badnaa oo dhiig badani ku daadtay.

18 Bishii May sanadkii 1991-kii ayaa mar kale uu Waa cusubi u baryey Qaranka Somaliland,dibna u soo baxday cadceedii Muqdisho ku shiiqday, kaddib markii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib-ula-soo noqoshada madaxbanaanidii dalnimo ee ay 1960-kii kula biirtay Soomaaliya.

Ku dhawaaqida dib ula soo noqoshada xoriyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991-kii oo ku timi rabitaan dhab ah, Sharciyad diidaysaana aanay jirin, duruufo badanina khasbeen, waa mida aynu todobaadkan u dabaal-degayno xuska sanad-guurradii 30aad ee ka soo wareegtay, mida aynu ku hadhsanayno calanka, dawladnimada, nabad-gelyada iyo horumarka taaba galay ee ku dhisan nidaamka dimuquraadiyada iyo tartanka asxaabta badan oo ahaa dhaqan soo jireen ahaa tan iyo xilligii gobanimo-doonka ka hor 1960-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here