Wasiir Faaratoon oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiiladda

0
1354

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta hortagay  guddida hoosaadka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilada Somaliland.

Kulankaas oo ahaa mid is-xogwaraysi ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa  markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddida Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo sheegay in ay wasiirka wax ka weydiiyeen hawlaha iyo waajibaadka ay wasaaradaasi qaranka u hayso gaar ahaa shirarkii Itoobiya iyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Jabuuti iyo arrimo la xidhiidha xidhiidhka caalamiga ah, wuxuuna xildhibaan Kijaandhe intaas ku daray inay ku qanceen warbixintii uu wasiirka arrimaha Dibaddu siiyey oo uu sheegay in Somaliland wakhtigan marayso marxalad aad u wanaagsan.

Geesta kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay guddida iska waraysteen arrimo badan oo la xidhiidha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana uu siiyey warbixin faahfaahsan oo arrintaas la xidhiidha, wuxuuna intaas ku daray in ay si wanaagsan isula afgarteen waxyaabihii ay iska waraysteen.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here