Wasiir Buuni oo sheegay in xisbiga WADDANI ka dareen-xunyahay Xasan Sheekh

0
1625

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa eedaymo culus u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Wasiir Buuni oo maanta u waramay warbaahinta dowladda Somaliland, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay inuu ka soo horjeedo ictiraafka Somaliland, isla-markaana aanu weli cadayn mowqifkiisa.

Wuxuu sheegay in xisbiga Waddani uu ka sii dareen xun yahay Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, hase ahaatee buu yidhi aanu mustaqbal iyo talo ka gaadhi doonin dalka, inta uu qiri laayahay in qaranka Somaliland qaranimadiisu muuqato.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu sheegay in mar labaad lagu dooranayo difaaca dalka iyo himilada ictiraafka uu keenay.

Wasiir Buuni, ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, wuxuu sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in doorashadu wakhtigii loogu talo galay ku qabsoonto, isla-markaana xukuumaddu dhamays tirtay hawlihii dhaneekeeda kaga xidhnaa doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here