Wasaaradda Waxbarashada iyo Dawladaha Hoose ee Hargeysa, Berbera iyo Gabiley oo ka arrinsadey waxbarashada aasaasiga ah

0
671

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland iyo Dawladaha Hoose ee Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley, ayaa maanta wada yeeshay kulan lagu dardar-gelinayo wada-shaqaynta iyo maamul daadejinta waxbarashada aasaasiga ah ee u dhexaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Dawladahan Hoose.

Kulanka waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, waxaana wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi. Waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), iyo Maayarka Gabiley Cabdirashiid Haybe Farax (Daacad).

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, ayaa furay kulanka, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Dawladaha Hoose, ee waxbarashadda.

Waxaa sidoo kale warbixino muhiim ah soo jeediyey Xuseen Sitiin, Madaxa Xafiiska Shuruucda ee Wasaaradda, iyo Cabdiqaadir Ciise, Xidhiidhiyaha Wasaaradda iyo Dawladaha Hoose, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey hannaanka wadaagista xogaha, habraacyada sharciyeed, iyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee taageera waxbarashada.

Kulanka waxaa lagu lafaguray habraacyada maamulka, xeerarka, iyo qoondooyinka miisaaniyadda iyadoo la adkeeyey wada-shaqayn hufan oo ku saleysan xeerarka dalka.

Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in la qaban doono shir ballaadhan oo ay ka qaybgalaan Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Dawladaha Hoose, iyo dhammaan Dawladaha Hoose ee dalka, si loo mideeyo dadaalka maamul daadejinta waxbarashada aasaasiga ah, loona xaqiijiyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo Xeerarka Waxbarashada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here