Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayay Xeerka Dhawrista Carruurta

0
711

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland ayaa magaaladda Hargeysa ku qabatay kulan lagaga hadlaayey xeerka dhawrista Carruurta oo horyaalla mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Kulankan waxa kasoo qayb galay mudaneyaal ka tirsan xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland,Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Carruurta iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadashay Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif, waxaanay tilmaantay in xeerka Dhawrista Carruurta ay in badan Wasaaradda Shaqo Gelintu gacanta ku haysay.

Agaasime Filsan Xuseen Khaliif, ayaa waxaa ay sheegtay in ay rajeynayso in Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland uu ansixin doono.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xeerkan Dhawrista Carruurta laga soo shaqaynaayey muddo dheer oo toddoba sanno ah.

Waxaanu cadeeyey in xeerkani faa’iidooyin badan u lee yahay carruurta reer Somaliland, isaga oo tilmaamay in xeerkani carruurta Xuquuqdooda dhawraayo.

Agaasime Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in xeerkani wakhtigan ku jiro ajandaha kal-fadhiga Golaha Wakiillada ee cusub, waxaanu sheegay in ay Xildhibaanaddu ansixin doonaan xeerkan doodaha ay ka yeelan doonaan ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here