Wasaaradda Shaqo-gelinta oo furtay barnaamijka wacyigelinta tacaddiyada ka dhanka ah haweenka

0
803

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta furtay barnaamijka wacyigelinta tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.

Furitaanka kulankan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradda, hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo madax kale.

Barnaamijkan wacyi-gelinta ee ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo 16 cisho.

Sidoo kale, furitaanka barnaamijka wacyigelinta ee ku saabsan haweenka, ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxdii iyo masuuliyiintii ka qayb gashay.

Waxaanay dhamaantood si qoto dheer uga warameen dhibaatooyinka la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyagoona ka sheekeeyey dhibaatooyinka loo gaysto haweenka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here