Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ka digtay isku day lagula baxsado cashuurta

0
1520

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa waxaa ay shir isugu yeedhay badi kooxda mashruuca hirgelinta cashuurta iibka adeegyadda iyo badeecadaha ee GST ee Wlwasaaradda maaliyadda.

Shirkan oo ahaa mid todobaadkiiba hal mar la qabto oo ka dhacay xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa waxaa guddoominayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Agaasimaha, ayaa ugu horayn fariin mahadnaqa u diray cashuur-bixiyeyaasha sida hagar la’aanta ah u bixiyaha cashuuraha xeerarka dalku ku waajibiyeen.

Waxaanu sidoo kale kula dardaarmay kooxda mashruuca hirgelinta iyo casriyeynta cashuuraha iibka inaanay is dhigan oo ay dedaalkooda sii libin laabaan xiligan oo ah wakhti xasaasi ah oo uu dalku u jihaystay doorashooyin iyo olole siyaasadeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa waxaa uu ka digay is ku day kasta oo lagula baxsado cashuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here