Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Oo Ka Noqotay Go’aan Ay Hore U Soo Saartay

0
793

Hargaysa (HP): Wasaarada isgaadhsiinta iyo technolajiyada Somaliland ayaa ka noqotay go’aan ay hore ugu joojisay in shirkadaha isgaadhsiintu ay iska taagtaan Birraha Taawaradda ee ay isticmaalaan.

Waraaqdan ay wasaaraddu kaga noqotay amarkaasi ay hore u soo saartay oo 14-kii bishan aan ku jirno ee April, ayaa lagu sheegay in mar kale ay wasaaradu shirkadaha isgaadhsiinta ugu ogolaatay.

Waraaqdii hore ee ay wasaaradu ku hakisay in shirkaduhu iska taagtaan Taawaradda ayay soo saartay 9-kii bishii 12aad ee sanadkii tegay ee 2020-ka.

Hase yeeshee, waxay mar kale shaacisay in ay u fasaxday shirkadaha in ay taagtaan taawaradda, iyagoo raacaya shuruudaha hab-raaca xeer nidaamiyaha dhismaha Taawaradda ee xeer Lr. 03/2020.

Waraaqdaasi oo uu ku saxeexnaa wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland Cabdi Weli Sheekh C/laahi Suufi, oo nuqul ka mida aanu helnay, waxa uu u dhignaa sidan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here