Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo amar culus dul-dhigtey Ganacsatada

0
1529

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta waxaa ay soo saartay amar ay ku mamnuuceyso in ganacsatadu u adeegsato liisankooda ganacsi ujeeddo ka baxsan ujeeddadii liisanka loo siiyay.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa sheegtay in cidii u isticmaasha ujeeddo ka baxsan sifihii loo siiyay, laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda, ayaa fartay Isuduweyaasha iyo Maamuleyaasha Kastamada ee Wasaaradda Ganacsiga inay dhaqan geliyaan amarka, sharcigana horgeeyaan qofka ku xadgudba liisanka Ganacsiga ee ay Wasaaraddu siisay.

Hoos ka akhriso wareegtada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here