Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta soo afmeeray kulanka qorshe sanadeedka 2025 iyo dib u eegista waxqabadkii sanadkii 2024-ka.
Kulanka oo mudo laba maalmood ah socday, ayaa waxaa uu ka qabsoomay magaalda Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Ujeedadda kulanka, ayaa daaranaa soo bandhigida qorshesanadeedka 2025, iyo dib u eegista waxqabadkii sanadkii hore 2024.
Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa soo bandhigay qorshe hawleedyadooda sanadka 2025 iyo waxyaabihii u qabsoomay 2024.
Waxyaabaha muhiimka ah ee la isla meeldhigay intii uu shirkani socday waxa ka mid ahaa sidii qorshaha qaranka ee 3aad (NDP3) iyo qorshaha Xukuumada cusub la isku waafajin lahaa, si ay Siyaasadaha iyo Xeerarka Wasaaraddu ku shaqayso ula jaanqaadaan xukuumada cusub.
Sidoo kale, waxa la isla meeldhigay sidii xeerarka iyo siyaasadaha qabyo-qoraalka ah loogu gudbin lahaa Golaha Wasiirrada iyo Xukuumadda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa ka war bixiyay qodobadii ugu muhimsanaa ee Kulanka qorshe sanadeedka 2025 iyo dib u eegista waxqabad sanadeedkii 2024.
Waxa xusid mudan intii uu kulankani socday in hoosta laga xariiqay sidii ganacsatada loogu fududayn lahaa arrimaha ku saabsan shuruucda Ganacsiga, si dhaqaalaha dalku kor ugu kaco.
Waxyaabaha diirada lagu saaray isla-markaana la islaqaatay waxa kamid ahaa in adeegyada ay wasaaradu bixiso ay noqdaan qaar casiriya oo la jaanqaadi kara tiknoolajiyada casiriga ah.
Arrimaha muhiimka ah ee shirkan ka soo baxay waxa mid ahaa in muhiimad gaar ah la siiyey ganacstada yar-yar iyo kuwa dhexe boqolka cisho ee soo socda.
Ugu danbayn, Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa ku bogaadiyey waaxyaha kala duwan ee wasaarada hawlqabadkoodii sanadkii 2024, sidoo kale Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan Agaasime Waaxeedyada kala duwan in ay maamul daadajin balaadhan sameeyaan si ay shaqadu u fududaato.
Hoos ka daawo muuqaalka