Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ka Jawaabtay Eedaymo Yuusuf Shaacir U Jeediyey

0
557

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymo iyo dhalliilo uu shalay u jeediyey Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku tilmaamay inay ka gaabisay hawlihii ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka ee ay Masuulka ka ahayd. Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda Diintu wuxuu sheegay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo uu Shaacir la soo sameeyey Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarasadaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamed Macallin Aadan ahna Afhayeenka Wasaaradda, ayaa maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana sheegay in aanay waxba u jirin sida Yuusuf-Shaacir wax uga sheegay Warbaahinta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here