Hargaysa (HP): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay tartanka dhinaca Orodka ah oo todobaadkan danbe lagu qaban doono caasimadda Hargaysa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaana shaaciyay wakhtiga uu furmayo tartankaasi Orodka ah.
Agaasime C/rashiid, waxa uu sheegay in tartankaasi uu si rasmi ah caasimadda Hargaysa uga bilaabi doono 18-ka bishan aan ku jirno ee December, kaasoo ah mid la ordi doono 5 KM.
Waxaana tartankaasi ka wada qayb qaadan donna Orodyahano Wiil iyo Gabdho ba isugu jira, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu.
Hase yeeshee Wiilasha iyo Gabdhaha tartankaasi ka wada qayb geli doona ayaan isku mar ka wada qayb qaadan doonin tartankaasi Orodka ah.
Iyadoona ay marna Wiilashu Ordi doonaan, mar na Gabdhuhu, taasoo ay ku sababeeyeen wasaaradda ciyaaruhu si loo ilaaliyo diinta islaamka, anshaxa iyo dhaqanka suuban, sida uu sheegay C/rashiid Caydiid Yaasiin.
Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay mar walba dhiiri gelinayaan in Wiilasha iyo Gabdhuhu ay helaan fursado isku mid ah oo dhinaca ciyaaraha ah.
DAAWO: Agaasimaha Guud Oo Tartankaaasi Shaacinaya:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.