Xudun (HP): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool ahna guddoomiyaha guddiga ka hor taga Covid-19 ee gobolka Sool ayaa maanta degmadda Xudun ee gobolka Sool gaadhsiisay qalabka lagaga hor tegayo caabuqa Coronavirus.
Waxaana qalabkaasi wada jir u gaadhsiiyay degmadda Xudun wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adda ARC.
Qalabkaasi ayaanay gaadhsiiyeen xarunta loogu tallo galay in lagu karantiilo dadka laga helo xanuunka Covid-19.
Maayarka degmadda Xudun Faarax Cali Ibraahim, ayaa isu-duwaha wasaaradda caafimaadk ee Sool uga mahad celiyay qalabkan uu soo gaadhsiiyay.
Halkan Ka Daawo Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.