Hargeysa,(HargeisaPress) — Warshada FRENCH PASTRY oo ka mida ah Warshadaha ugu Casriyaysan Somaliland, isla markaana samaysa Keegaga Kala Duwan, Keegaga Aroosyada, roodhida Macmacaanka leh iyo gebi ahaanba keegaga Xafladaha gaarka ah iyo Cuntooyinka Fudud ayaa Carwada Ganacsiga Hargeysa ku soo Bandhigtay fursado qiime-dhimis ah oo la xidhiidha Waxsoo saarkeeda ay iibiso.
Dadweynaha soo booqanaya goobta ay carwadu ka socoto ee Maansoor ayaa si gaar ah u soo dhoweeyay qiime-dhimista Warshada FRENCH PASTRY Samaysay iyo wax soo saarkeedu.
Haddaba Maamulka Warshada FRENCH PASTRY waxa uu dadweynaha u ballanqaadday inay sidii ay horeba uga barteen ay mar walba ka heli doonaan Keegag casri ah ee xafladaha iyo aroosyada, isla markaana tayo leh, iyagoo ahmiyada siinaya sidii ay u raaligelin lahaayeen macaamiisha Warshada FRENCH PASTRY.
Si kastaba ha ahaatee Warshada FRENCH PASTRY waxa uu ku leeyahay kaalay oo ka faa’idayso maalmaha yar ee jaaniska carwadaasi socoto inta aanay fursaddaasi kaadhicin.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa