WARSAXAFADEED SHIRKADA QAADKA EE F&F.

0
1852

Hargeisa— Anagoo ah Shirkada Qaad ee F&F Waxaan Umadda Reer Somaliland U Sheegaynaa Una Cadaynaynaa Inuu Yahay Been Abuur Wararka Sheegaya Maanta In Lagu Qabtay Qaad iyo Gaadhi Ay Leedahay Shirkadda Qaadka F&F oo Laga Soo Qabtay Gobolka Hawd Gaar Ahaan Magaaladda Baligubadle, Waxaan Umadda Somaliland U Cadaynaynaa Inuu Qaadkaasi Ahaa In Kooban oo Ka Soo Hadhay Qaadkii Soo Galay Maalintii Shalay aheyd Qaadkaasna Waxaa Ay Ciidamadda Booliska ee Gobolka Hawd Magaaladda Baligubadle Ka Soo Dhex Qaateen Makhsinkii Shirkadda F&F ee Ku Dhex Yaallay Magaaladda Baligubadle Waxaana Cadeyn u ah Gaadhiga La Qabtey Waxa Uu Lahaa Taarikada Somaliland oo Muu laheyn Taarikada Dalka Itoobiya Taas oo Beenineysa Sheegashada ah in Gaadhigu Itoobiya Ka Soo Galey , Marnaba Dhici Mayso In Aanu Ka Hornimaadno Go’aankii Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland Waanan Ku Qanacsanahay Go’aankaas Lagu Joojiyaay Mudaadaas Qaadkii Dalka Soo Geli Jirey, Shirkada F&F Waxey Diyaar u Tahey iney Fuliso Amarkasta oo Dan u ah Bulshada Reer Somaliland oo Ka Soo Baxa Xukuumada Somaliland Iyo Guddiga Somaliland ee COVID19 .

Hadaba Wax Qaad Ah oo Maanta Noo Yimidna Ma Jirto oo Aanu Dalka Anagu Soo Geliney , Waxaan Si Weyn Ugu Mahadcelinaaya Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Uu Ugu Horeeyo Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqandhi Dabagale Iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Nagu Kala Saaray Cadaalad Anagga Iyo Maamulka Gobolka Hawd Muujiseyna Inaanu Qaadkasi Maanta Soo Gelin ee La Noo Cashuurey Maalintii Shaley Aheyd Maamulka Gobolka Hawd Waxey ku Gafeen kana Sheegen Warar Been Abuur ah Shirkada Qaadka Ee F&F Gudoomiye Yaasin Shide Waxa uu Shirkada Dusha Ka Saarey Wararkaasi Been Abuurka ah een Sal Iyo Raadtoona Laheyn Gudoomiyuhu Isagoon Waxba Hubsan Inuu Bulshadda La Wadaago Warar Aan Xaqiiqo Ahayn Aad Baanu Uga Xunahay Waxaanu Nahay Muwaadinin Cashuur Bixiyaal Ah Xaqna Nalaguma Laaha In Naloogu Hanjabaddo Shaadh Ciidan, Mar Kalena Anagoo ah Shirkadda Qaadka F&F Umadda Somaliland Waxaanu La Socodsiinaynaa Inuu Warkaasi Been Abuur Yahay Gaadhigaas Iyo Dhalinyaraddii Ka Shaqaynaysay Shirkadda Waa La soo Wadda Dayaay Dhamaantood Ka Dib Markii La Garowsadey In Eedeynta Shirkada Lagu Eedeynayey Ay Aheyd Been Abuur, Ugu Danbeyn Shirkada F&F Waxey Dacwad Ka Gudbin Doonta Badhasaabka Gobolka Hawd Yaasin Shide oo Naga Fidiyey Wararkan Been Abuurka ah Anagoo Ku Kala Bixi Doona Sharciga Dalka U Yaala.

ALLAA MAHAD LEH

Gudoomiyaha Shirkada F&F
Guuleed Furre _____________________________

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here