Warqada La Diray 51 Sano Ka Hor Oo Hadda La Helay

0
682

Warqado lumay oo la soo diray 50 sano ka hor ayaa ugu danbayntii hadda soo gaadhay dadkii loo dirayey.
Sideed iyo toban waraaqood oo la soo diray laga soo bilaabo 1960-kii iyo 70-meeyadii ayaa December-tii la soo dhaafay laga helay xafiiskii hore ee boostada ee Vilnius, oo ku yaal Lithuania, waxa laga dhex helay dhisme dumay, sida ay sheegtay Reuters.
Mulkiilaha dhismahan oo lagu magacaabo Jurgis Vilutis ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu u malaynayo in shaqaalihii boostada ay u badan tahay in uu warqadahaasi lacag ka baadhay ka dibna uu qariyay.
Markii warqadaha la helay, Vilutis wuxuu sheegay inuu la xidhiidhay xafiiska boostada, wuxuuna go’aansaday in lala raadiyo dadkii lahaa. Wuxuu yidhi Vilutis “Aad ayaan ugu faraxay inay xiiseynayeen waraaqahaa,” ayaa u sheegay Reuters.
Sida warbaahintu sheegtay waraaqahaasi waxay ka yimaaddeen Lithuania oo wakhtigaas ka tirsanayd Midowgii Soofiyeet. Wakhtigaas Boostada ayaa la isticmaali jiray, waxaana qorayaashu ka tirsanaayeen Barnaamijkii Saaxiibo Hel oo dadku waraaqo isku baran jireen (Pen-Pals).
Wakhtiyadii waraaqaha Boosta, waxa lagu raadin jiray Wadooyinka lambaradooda iyo Guryaha lambaradooda, laakiin hadda xitaa waxa isbedelay Lambaradii iyo wadooyinkii.
Ka dib markii billo baadidoon loogu jiray in waraaqahan loo geeyo dadkoodii, waxa la helay dad yar, sababta oo ah wax kasta ayaa isbedelay. Shan qof ayaa la helay laakiin caruurtii wakhtigaa waraaqaha loo soo diray waxay noqdeen dad waaweyn.
Deimante Zebrauskaite, oo ah madaxa waaxda khibraddaha macaamiisha ee Boostada Lithuania, ayaa u sheegay Reuters in ay dareemayaan mas’uuliyad daro. “In ay dhacdo tani mas’uuliyad daro, xitaa fariin ku jirta quraarad oo Badda lagu tuuray ayaa ka dheeraysay” ayey tidhi Zebrauskaite.
Genovefa Klonovska,oo ka mid ah dadka helay warqadda hadda ayaa loo soo diray iyada oo 12 jir ah waxa looga soo diray Poland sanadkii 1970.
Warqadda waxaa ku jiray ubax midab leh oo gacanta lagu sameeyay iyo laba caruusad oo waraaqo ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Klonovska oo maanta 60-sano jir ah, ayaa u sheegtay warbaahinta in markii loo dhiibayey ay moodaysay in lagu ciyaaarayo ama Pranka lagu samaynayo.
Klonovska ma garanayso in saaxiibkeeda warqada u soo qortay uu xidhiidhkoodu dhamaaday iyo in kale, waxa laga yaabaa in ay iska quusatay markii loo soo jawaabiwayey ayey u sheegtay Reuters.
Warqadda loo soo diray Klonovska, waxa laga soo diray Koczary oo Poland ah, waxa soo qortay gabadh lagu magacaabo Ewa.
Waxyaabaha warqada ku qoraa waxa ka mid ahaa gabadhaas Ewa oo ka cabanaysay basaska tuuladeeda, taas oo ku khasabtay inay lug ku socoto -23 Degree Celsius. Waxay sidoo kale gabadha ay u diraysay soo weydiisay sawirada jilayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here