Wariyeyaal ka socda Warbaahinta Al-Carabiya oo booqday Dekedda Berbera

0
1842

Berbera (Hargeisa Press)- Wariyeyaal ka socda Warbaahinta caalamiga ah ee Al-Carabiya oo mudooyinkan ku sugnaa dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wariyeyaasha, ayaa markii ay gaadheen halkaasi, waxaa xafiiskiisa ku qaabiley Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi.

Badhasaabka, ayaa Wariyeyaasha Al-Carabiya uga warbixiyay magaalada Berbera iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda.

Waxaanu badhasaabku u sheegay Wariyeyaasha in magaalada Berbera ay tahay meel ay isha caalamku wada hayso, maadaama ay tahay marin caalami ah oo qiimo weyn ugu fadhida mandaqada.

Dhinaca kale, Wariyeyaasha ka socda Warbaahinta Al-Carabiya, ayaa waxaa ay booqdeen dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Waxaana wariyeyaasha dekedda ku soo dhaweeyay Maareeyaha guud ee dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi.

Maareeyaha, ayaa Wariyeyaasha uga warbixiyay shaqada baaxada leh ee ka socota dekedda Berbera, isagoona soo tusay dekedda iyo shaqada ka socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here