Warbixin: Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxay Kooxaha Huwanta Sool

0
1208

Laascaanood (HP): Khilaaf xoogan oo dhinacyo kala gedisan ka socda ayaa maalmahan danbe ka dhex qarxay kooxaha Huwanta ah ee ku sugan gobolka Sool, gaar ahaana gacanta ku haya magaaladda Laascaanood.

Waxaanu banaanka u soo baxay Khilaafkan adag ee ka dhex taagan kooxaha Huwanta ah ayaa todobaadkii u danbeeyay banaanka, kaasoo arrimo kala duwan salka ku haya.

Khilaafkani ayaa salka ku haya dhawr meelood oo kala mid u dhexeeya beelaha wada dega gobolka Sool, mid ka socda dhinaca maamulka Puntland, iyo kala shaki soo kala dhex galay iska kooxihii huwanta ahaa Sool ka dagaalamayay.

Khilaafkan soo shaac baxay ee ka dhex curtay kooxaha Huwanta ayaa sababay in ay hadallo xanaf leh isku weeraraan kooxahaasi huwanta ah.

Arrimaha murankan weyni ka taagan yahay waxaa ka mid ah garroonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood oo la doonayay in dib loo furo, ayaa beesha deegaan ahaan u leh Laascaanood waxay ugu magac dareen garraad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Taasoo ay ka cadhoodeen beelaha kale ee Dhulbahante, ee deegaankoodu yahay dhinaca Hawdka gobolks Sool, iyo Buuhoodle, kuwaasoo ka biyo diiday in Garraad Jaamac garraad Ismaaciil, loo bixiyo magaca garroonka diyaaradaha Laascaanood.

Tallabadani ayaana sababtay in shakhsiyaadkii dhinaca baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka guubaabadda ugu qaabilsanaa kooxaha huwanta xiligii ay ciidanka qaranka Somaliland la dagaalamayeen in iyagu ay hadda bilaabeen in ay is weeraraan.

Waxaana maalmahan si weyn baraha Internet-ka loo wareejinayay muuqaalo dagaal ah oo ay xubnahan Huwanta ahi iyagu dhexdoodda isku weerarayaan, isla markaana ay qaarkood fashilinayeen arrimo sir ah oo ay ku kaceen xiligii ay ciidanka qaranka Somaliland dagaalka kula jireen.

Sidoo kale meelaha uu khilaafkani ka dhashay waxaa ka mid ah ah Dhawaaqii hogaamiyaha kooxda Khaatumo ee Firdhiye, kadib safarkii uu dhawaan ku tegay magaaladda Muqdisho.

Kaasoo sheegay in aanay maamul ahaan ka tirsanayn ama hoos tegaynin maamulka Puntland, isla markaana ay yihiin maamul gaar uga taagan Puntland.

Hadalkaasi waxaa si weyn uga biyo diiday maamulka Puntland oo xoog, xoolo, iyo ciidan, hub, iyo waxyaabo kaleba ku taageeray kooxaha Huwanta ah intii uu socday dagaalka ay kula jiraan Somaliland.

Hadalkaasi Firdhiye, waxaa si weyn uga cadhooday maamulka Puntland ee madaxweyne Deni, iyo sidoo kale xulafadda mucaaradka ku ah ee isku baahaystay sidii ay Siciid Deni, xukunka uga tuuri lahaayeen.

Xaaladdan baaxaa-degga iyo kala shakiga kooxaha Huwanta ah dhexdoodda ka taagan ayaana sababay in laga kala yaaco magaaladda Laascaanood.

Geesta kale tan iyo wixii ka danbeeyay 25-kii bishii Augost ee sanadkan ma jirto wax muuqda ama la taaban karro oo uu ku tallaabsaday maamulka SSC, nooc kastoo uu yahay ba.

Waxaana dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ka taagan gobolka Sool dhibaatooyin kala gedisan oo is barkan, kuwaasoo isugu jira bur-bur dhaqaale, waxbarasho la’aan, iyo amaan darro aad u weyn oo soo food saartay dadka shacabka ah.

Iyadoo ay bilihii u danbeeyay gudaha magaaladda Laascaanood ka dhaceen falal dhibaatayn ah oo kala duwan oo ay gaysanayeen kooxaha hubaysan ee Huwantu.

Taasoo muujinaysa in uu si weyn u fashilmay maamulka Firdhiye, oo u muuqda mid aan haba yaraatee wax faa’iido ah u soo kordhiyay bulshadda, iyo deegaankaba.

Dhinaca kale magaaladda Laascaanood waxaa waayadan danbe ka taagan xaalad nololeed oo aad u xun oo soo food saartay bulshadda ku nool magaaladaasi.

Dhaqaale xumadda iyo busaaradda ka taagan Laascaanood ayaa keentay in kooxihii Huwanta ahaa ee markii hore isku soo baahaystay ama ka dagaalamayay in ay dib ugu laabteen deegaamadii ay markii hore ka yimaadeen.

Sidoo kale qoysaska ama dadka ay ehelkoodu dhaqaalaha lacageed uga soo diraan wadamadda dibadda ayaa u kala guuray magaalooyinka Garroowe, iyo Boosaaso.

Maadaama aanay gebi ahaanba wax addeegyado bulsho ah sida biyaha, waxbarashadda, caafimaad, iyo waxyaabihii ay u baahnaayeen aanay ka helaynin Laascaanood.

Sidaas darteedna waxay waxbarasho ugu daardsadeen magaooyinka ku yaalla maamulka Puntland.

Waxaana magaaladii Laascaanood isugu soo hadhay dadkii danyarta ahaa iyo qoysaskii dhaqaale ahaan aadka u hooseeyay.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinkan is biirsaday ee kala duwan ee ka taagan Sool, ayaa la saadaalinayaa in maalmaha soo socda ay kooxaha Huwantu iyaga dhexdoodda dagaalamaan, isla markaana ay dhawr qaybood u kaka jabaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in xubno miisaan leh oo markii hore si weyn uga dhex muuqday hurinta iyo abaabulka dagaalkii Somaliland lagaga soo hor jeeday in ay kala jabaan.

Kuwaasoo qaarkoodna ay u soo cararaan dhinaca Somaliland, iyo xubno u baxsan doona magaalooyinka kale ee Puntland ama koonfurta Soomaaliya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here