Warbaahinta caalamka oo si weyn u faaqiday Aqoonsiga Somaliland ee Mareykanka

0
2141

Washington (Hargeisa Press)- Warbaahinta caalamka, ayaa si wayn u faaqidaysa Aqoosiga Somaliland ee Mareykanka, kaasi oo la hor geeyay mooshin lagu dalbanayo arrintaasi guddida arrimaha dibada ee Baarlamaanka dalkaasi.

Muddo badan, ayaa laga shaqaynayay in dalka Mareykanka u Aqoonsado dal madax banana Somaliland, arrintaasi ayaa waxa iska kaashanayay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta Mareykanka ugu miisaanka culus, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Perry Scott oo isagu hadda mooshinka Aqoosiga u gudbiyay Baarlamaanka.

Warbaahinta caalamiga ah ee dalka Mareykanka, ayaa aad u qaadaa dhigaya Aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka, waxaanay qaar sheegayaan in sanadkan curanaya ee 2025-ka horaatiisa uu Madaxwaynaha dalkaasi ku dhawaaqayo Aqoosiga Somaliland.

Warbaahinta Caalamihga ah ee sida wayn u gorfaynaysa arrinta Aqoonsiga Somaliland, ayaa waxa aynu ka tilmaami qaar ka mid ah iyo wax yaabaha ay ka qoreen Aqoosiga Somaliland ee Mareykanka.

Warbaahinta Global Eye News, ayaa waxa ay si wayn waxa uga qortay arrinta helista Ictiraafka ee Somaliland, waxaanay sheegeen in Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu si rasmi ah u Aqoonsado Somaliland, taasina ay noqonayso inuu dunida ku soo kordhayo dal cusub oo Muslim ah.

Dhinaca kale, Warbaahinta BRICS NEWS ayaa iyagu daabacay in Madaxwaynaha la doortay ee dalka Mareykanku Aqoonsanayo Somaliland oo dadkeedu yihiin wada Muslim.

Warbaahinta World Times ee dalka Mareykanka, ayaa sidoo kale aad u faaqiday Aqoonsiga Somaliland waxaanay daabaceen in Madaxwaynaha dalkaasi si rasmi ah ugu dhawaaqayo Aqoonsiga Somaliland iyo inay noqoto dal madax banana oo dunida ku soo biira.

Somaliland, ayaa Calamka Mudo 33 Sanno Ka Raadinaysa Aqoonsi, Dadka Ka Faalooda arimaha Siyaasad Somalida Ayaa arrinta Ku tilmaamay fursada muhiim u ah bulshada reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here