Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarkii xeebta Liido

0
1170

Muqdisho (Hargeisa Press)- Waxaa sii kordhaya khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay cisbitaallada ku yaalla maagalada Muqdisho.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday, ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta Liido, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaadhay shacab fara badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimce ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen dad badani.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku naf-waayay in ka badan 40 qof, halka ku dhowaad tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro ku caweynayay xeebta Liido.

Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskii, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga uu weerarku dhacayay.

Dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Soomaaliya, ayaa sheegtay in laga hortagay gaadhi ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here