Wararkii Ugu Dambeeyay Dhageysiga Dacwadda Badda

0
931

Hague (Hargeisa Press) – Dhagaysigii maxkamadda caalamiga ah (ICJ) ee dacwaddii badda ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka bilaabantay magaalada The Hague ee dalka Netherlands.

Maxkamadda waxaa ka maqnaa dalka Kenya oo hore u sheegay inaanay ka qaybqaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaanay Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya wakhti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay doonayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here