Hargeisa (Hargeisa Press) โ Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in ay samaynayo Sahamin lagu ogaanayo tirada dadka uu haleelayย Xanuunka Covid-19.
Sahamintan oo ay gacan ka gaysanayso hay`adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa waxa lagu tirakoobi doona tirada dadka uu ku dhacay xanuun kani iyo dadka uu hada hayo.
โWaxa aynu doonaynaa bal in aynu ogaano dadkii uu xanuun kaasi ku dhacay ee ka bogsaday iyo dadka uu hada hayoโ waxa sida yidhi Agaasimaha guud ee Wasarada caafimadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
โWaxa wadaysa khuburo wasarada caafimad ka iyo hay`adda caafimaadka aduunka iskugu jira, hogaaminta sahankan, iyo xogtiisaba waxa iskaleh wasarada caafimaadkaโ ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu.
Sahamintan ayaa laga bilaabmi doona dhamaan gobolada Somaliland maalinta barri ah ee 16 bishan Maarso 2021.