Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Laascaanood, Jabkii Kooxaha-Huwanta iyo Guulaha Ciidanka Qaranka

0
3483

Laascaanood (Hargeisa Press)- Ciidamada qaranka ee Somaliland, ayaa waxaa ay guulo la taaban karo ka gaadheen Dagaal xoogan oo jihooyin kala duwan ay ka soo qaadeen kooxaha Huwanta ah ee magaalada Laascaanood oo taageero ka helaya maamul-goboleedka Puntland iyo Kooxo Argagixiso ah.

Malleeshiyaadka magaalada Laascaanood oo taageero ka helaya Ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo Kooxo Argagixiso ah, ayaa shalay weerar is-maqiiq ah ku qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ku leeyahay Magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, gaadiid laga gubay iyo maxaabiis laga qabtay kooxaha huwanta ah.

Dagaalka oo subaxnimadii hore shalay ka bilaabmay Bariga Magaalada Laascaanood oo ay laba jiho ka soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka Puntland, ayaa sababay in khasaare baaxad leh la gaadhsiiyo kooxaha weerarka ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee Bariga Laascaanood sida Maraaga, Buurta Sayidka, Oodagooye, Buurta Hodan, Gambadha iyo Jabka Qoriga.

Kooxaha Huwanta ah, ayaa sidoo kale weeraray fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyahay Xargaga, Xarunta Agoomaha, Kaalinta Ina Jabuutaawi, Baliga Calacal iyo Daray Madoobe, waxaanay wararku sheegayaan inay kooxaha Huwanta ahi khasaare baaxad leh kala kulmeen weerarka ay ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka, weerarradaas oo lagu tilmaamay is-maqiiq iyo is-biimeynta wax ay ku tilmaameen ‘Xoreynta Laascaanood”.

Weerarka Indho-la’aanta ah ee ay soo qaadeen kooxaha Huwanta ah, ayaa sababay inay tiro-beesho dhimasho iyo dhaawac xad-dhaaf ah oo soo gaadhay Kooxa weerarka soo qaaday.

Wararka aanu ka helayno jiidaha hore ee fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa tibaaxay in dagaalka oo laysku gabbal-dhacsaday lagu jabiyay Kooxaha Huwanta ah isla markaana khasaare baaxad leh loogu geystay, waxaanay wararku tibaaxeen in maleeshiyaadka laga gubay 5 gaadhi iyo Afar fadhiisin oo lagala wareegay.

Jabka ka soo gaadhay iyo Khasaaraha ay dagaalkii shalay kala kulmeen Kooxaha Huwanta Laascaanood, ayaa lagu tilmaamay kii ugu ballaadhnaa tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka ka socda gobolka Sool maadaama dagaalkani socday muddo ka badan 10 Saacadood oo xidhiidh ah.

Fadhiisimada Ciidanka Qaranku la wareegeen shalay, ayaa ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood, gaar ahaan Galbeedka iyo Bariga, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku hayo dhammaan goobihii ay hore u joogeen kooxaha Huwanta ah marka laga reebo Jihada Koonfureed ee magaalada Laascaanood oo ah marinka ugu muhiimsan ee taakuladu u soo marto kooxaha Huwanta.

Wararka aanu ka helay magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe, ayaa sheegay in dhaawacyo iyo meydad tiro badan la gaadhsiiyey cusbitaallada Laascaanood iyo Garoowe, iyadoo la sheegay in khasaaraha ugu badan soo gaadhay Ciidanka iyo maleeshiyaadka Puntland.

Wararku waxa ay intaas ku dareen inaanay badnayn isla markaana kooban yahay khasaaraha dagaalka ka soo gaadhay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo difaac ugu jira ilaalinta xuduudka iyo Qaranimada, ayaa dagaal kula jira Kooxo Huwan ah oo Isu bahaystay burburinta nabadda iyo casiloonimada ka jirta Somaliland, waxaanay kooxahani isugu jiraan maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka oo taageero ka helaya Ciidamo iyo maleeshiyaad laga soo ururiyey maamul-goboleedka Puntland iyo sidoo kale maleeshiyaad ka tirsan Kooxaha argagixisada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here