Waraaqihii codbixinta ee doorashooyinka oo Somaliland soo gaadhay

0
1399

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta dalka Somaliland soo gaadhay waraaqihii codbixinta ‘ballot-papers’ ee lagu gelayay doorashooyinka isku sidkan ee madaxtinimada iyo kuwa asxaabta qaranka ee qorshaysan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka inay dalka ka qabsoomaan.

Warqaaqahan codbixinta ee doorashooyinka lagu galayo, ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Waxaa waraaqahan codbixinta ee dalka soo gaadhay, lagu soo daabacay dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ay weheliyaan Guddida hawlgallinta ee Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda, ayaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ka soo dejiyey waraaqaha codbixinta.

Xubnaha guddida doorashooyinka, xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa ka hadlay imaanshaha iyo muhiimadda waraaqaha codbixinta ee dalka soo gaadhay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay dalka Somaliland soo gaadheen qalabkii nidaamka hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS BVVS ee lagu galayay doorashooyinka.

Si kastaba, waxaa maanta guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ka bilaabmay ololaha doorashooyinka ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtinimada iyo asxaabta qaranka ee qorshaysan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here