War saxaafadeed : Wasaaradda Duulista Oo Shaacisay Dhamays Tirka Dhismaha Terminalka cusub ee Madaarka Berbera

0
956

madaarka berberaHargeysa,(HargeisaPress) — Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee Somaliland waxay halkan kaga dhawaaqaysaa dhamays tirka dhismaha Terminalka cusub ee Madaarka Berbera International Airport.

Dhismaha Terminalka oo mudo socday ayaa guud ahaanba la dhameeyey hawshiisa waxana maalintii shalay kormeer indho indhayn ah ku tagay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, kormeerkaas oo Wasiirka ay uga soo baxday najiito wanaagsan.

Dhismahani ay Wasaaradda Duulistu ka hirgalisay Madaarka Berbera oo ah dhisme balaadhan oo si casriya loo dhisay ayaa isugu jira Terminalka laga dhoofo, iyo Terminalka laga soo dago, Xafiisyo loo sameeyey maamulka madaarka, iyo goobo dadku ay ku sugaan Eheladooda dhoofaysa ama soo dagaysa.

Terminalkan oo mudo kooban xadhiga laga jari doono, ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahi ka taagnayd Madaarka Berbera, waxana uu sare u qaadi doonaa Darajada Madaarkeena ee heerka qiimaynta Madaaradda dunida.

Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee Somaliland waxay hore Madaarka Berbera uga hirgalisay Dhismaha Xayndaabka 13KM ah, kaas sare u qaaday Amaanka Madaarka.

Dhismaha Terminalkan iyo Xayndaabka Madaarka Berbera ayaa ka mid ah Mashaariic ay dawlada Kuwait ku caawisay Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

ALLA MAHAD LEH.

Saddam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Cirka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here