Muqdisho, (HargeisaPress) — Xildhibaan, C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa Goor-dhow lagu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Kooxo hubeysan ayaa dilay Xildhibaanka, kuwaasoo baxsaday, iyadoo xilka loo dhaariyay inta lagu jiro kal-fadhiyan lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii Aabbihii Xuseen Bantu oo xildhibaan ahaa uu ku geeriyooday Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka xildhibaanka, balse inta badan dilalka loo geystay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa sheegata Xarakada Al-shabaab.
Dableyda dilka Xildhibaanka Geystay ayaa la sheegay inay wateen gaari markii dilku uu dhacayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, iyadoo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhinaankan.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com