Madaxwayne Siilaanyo Oo Isku Shaandhayn Iskugu Jirta Magacaabid,Xil Ka Qaadis Iyo Isku Badal Ku Sameeyey Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumadiisa

0
791
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu isku shaandhayn iskugu jirta magacaabbis,xil ka qadis iyo isku badal ku sameeyey masuuliyiinta ka tirsan laamaha dawlada.

 

waxaana warsaxaafadeed uu soo saaray madaxwayne siilaanyo uu u dhignaa sida tan

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 uu magacaabid, isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Xukuumadda.

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Wakiilkii hore Somaliland u fadhiyey Itoobiya).

 

Ø  MAGACAABIDDA WAKIILKA CUSUB EE ITOOBIYA:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Aaden Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.

 

 

 

 

 

Ø  ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In ay hanan karaan xilalkaa loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha)
  2. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( Bedel Agaasimihii Guud ee hoe ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)

 

Ø  MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagadda Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

Ø  Magacaabidda & Xilka Qaadista Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh)  ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku   u leedahay Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka.

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay:                   in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ø  Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

 

Ku:       Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim                                                        

            Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)       

 

Mudane,

Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay  Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.          

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here