Bandhig Suugaaneed Halku dhig looga Dhigay (Haaneedka Murtida Iyo Habeenka Cawaale-Deeqsi)Oo Xalay lagu Qabtey Hargeysa + SAWIRRO

0
2277

Hargeysa, (HargeisaPress) —Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan(Cawaale-Deeqsi) ayaa habeenkii xalay qaybo ka mid ah Suugaanta ilaahay hibada u siiyey ku Soo bandhigay Hotel Green Plaza ee Caasimada Hargeysa.

CAWAALE DEEQASI 3

Bandhig Suugaaneedkan oo ahaa mid xiise iyo xamaasad gaaraleh ayaa Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan(Cawaale-Deeqsi) uu Bulsho kala duwan kula wadaagay Suugaanta uu ilaahay ku manaystay.

CAWAALE DEEQASI 4

Bandhig suugaaneedkan oo ahaa mid aad ka dheehanaysay qaabka loo soo agaasimay uu ahaa mid meeqaamkeedu sareeyey  iyadoo usha Kor loo tuuraa ayna dhulka u dhacayn Tirabadanida Bulshada ka soo qayb gashay.

CAWAALE DEEQASI 5

Bandhigan ayaa Halku dhig looga dhigay (HAANEEDKA MURTIDA  IYO HABEENKA CAWAALE-DEEQSI)iyadoo Madasha uu Bandhig suugaaneedkani ka socday ay soo buux dhaafiyeen  Marti sharaf aad u tirabadani oo ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin,Abwaano,Qorayaal ,Aqoonyahano,Madaxdhaqmeed Culimo-Udiin dhalinyaro iyo Haween iyo Marti sharaf kale oo qaarkood ka yimaadeen Dalka dibadiisa.

45d9a9c0-8ee4-43a2-9d93-4e7a5926e703

Munaasibadan ayaa waxaa ugu Horeyn furitaankii Bandhigan  waxaa hadal mahadnaq iyo soo dhaweyna iskugu jira ka jeedisay Gudoomiyaha Xarunta Keydka ,Hidaha ,Dhaqanka , Akhriska  iyo Qoraalka ee Maxamed Mooge Marwo Hoodo Ayaan Suldaan Adem Faarax.Waxay aad ugu mahadnaqday Bulshadii kala duwanayd ka soo qayb gashay Munaasibadaasi .

55fb2bf1-5dd3-4d44-ac79-9b3e4a443ecd

Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan(Cawaale-Deeqsi Ayaa waxaa uu Bulshada la wadaagay suugaan Miisaankeeda iyo Mugeedaba ay la dhaceen Bulshadii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay.

CAWAALE DEEQASI

Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan(Cawaale-Deeqsi)waxaa goobtaasi ku bandhigay qaybo ka mid ah Sugaanta uu ilaahay ku manaystay  isagoo Bulshada halkaasi uga soo gudbiyey maansooyin magacyo kala gadisan sita oo ay ka mid ahaayeen

1-Dhuux iyo Laf kala maqan

2-Abaal Hooyo

3-Daleel Joog

4- Sagan Daaq

5-Xeebtii Jacaylka

Iyo kuwo kale oo Bulshada aad u xiiso galiyey isla markaana aad loola dhacay .

CAWAALE DEEQASI 2

Bandhigan (HAANEEDKA MURTIDA  IYO HABEENKA CAWAALE-Sidoo kale waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen.Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cali Xasan Maxamed (Cali mareexaa), Xoghaya Warfaafinta Xisbiga Waddani Muj.Boobe Yuusuf Ducaale  ,Wasiirku xigeenkii Hore ee Wasaarada Qorshaynta Cabdikariin Axmed Mooge.

BIIBE

 Masuuliyiintii ka hadashay Madashan ayaa Dhamaantood ka marakacay in ay aad ula dhaceen guud ahaanba Suugaantii uu goobtaasi ku soo bandhigay Abwaan Cawaale-Deeqsi

20e87347-b009-4b06-9534-da2fdf5eb4bb

Isku soo wadaduuboo Bandhigan uu Abwaan cawaale ku soo Bandhigay magaalada Hargeysa ayaan ahayn kii Ugu horeeyey ee uu ku ibo Furo suugaantiisa.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here