MUQDISHO, (HargeisaPress) โ Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika iyo AMISOM ee Somalia, Maman S. Sidikou oo uga qaybgalay khadka taleefoonnada la iska arko kulan ay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hadlayaan xaaladda ka taaganย Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda Soomaaliya.
Danjire Kay ayaa sheegay inuu xaaladda Soomaaliya ka qabo walaac iyo rajo isku dhafan, isagoo xusay in howlaha laga doonayo Soomaaliya ay dib u dhac ku keeneen murannadii siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda Soomaaliya.
โMarkaan eego sannadkan 2015-ka waan ku faraxsanahay, dhinaca kalena walwal ayaa i hayaa, waayo waa mid laga gaari karo goโaan in Somalia hormar weyn ay ku tallaabsato, howlaha harsanna la dhameystiro, balse weli caqabado ayaa jira,โ ayuu yiri danjire Kay.
Sidoo kale, ergyga oo ka hadlayay rajadiisa ku aaddan in howlaha dowladda Soomaaliya u harsan la dhameystiri karo ka hor xilliga loo qabtay inay dalka ka dhacdo doorasho, ayaa sheegay in taas uu rajo ka qabo, laakiinse ay ku xiran hadba sida caqabada jira looga gudbo.
โWaxaan qabaa in sanadka cusub uu noqdo mid la hirgelin karo hannaanka federaaliisimka Soomaaliya, hirgelinta arrintana waxaa caqabad ku noqday muskiladihii siyaasadeed ee la soo maray. Waxaanu doonaynaa inaan ka dhabeyno ballanqaadii aan sameynnay sannadkii hore ee 2014-ka, inta lagu jiro sanadkanna la dhameystiro dhismaha maamullada gobollada Somalia,โ ayuu mar kale yiri danjiraha Qaramada Midoobay ee Somalia.
Ergaygu wuxuu kaloo ka hadlayย Ammaanka Muqdisho iyo howlaha xafiiskooda; wuxuuna sheegay in inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan waddooyinka ka dhacaan qaraxyo uu hadana rumeysan yahay in haddii isku-duubni la muujiyo caqabadahaas oo dhan laga gudbi karo.
โInkastoo ay jiraan caqabado ku gudban dariiqeenna hadana waxaa qabaa inuu jiro dareen looga hortegi karo arrimahaas, horayna loogu sii socon karo si 2016-ka dalka ay doorasho uga dhacdo, inta ka horreysana howlaha noo haray la dhameystiro,โ ayuu hadalkiisa kusoo af-jaray danjire Nicholas Kay.
Dhanka kale, waxaa isna xubnaha golaha ammaanka la hadlay danjire, Maman S. Sidikou oo sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay guulo waaweyn ka gaareen la-dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalladii dhacay sannadkii lasoo dhaafay.
โSannadkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay qaadeen laba howlgal oo guul ku dhammaaday, kuwaasoo kala ahaa Gorgor iyo Badweynta Hindiya, waxaana Al-shabaab looga qabsaday 16 Magaalo oo ay Al-shabaab ka talin jirtay,โ ayuu yiri danjire Sidikou.
Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in howlgalladaas ka sokow ay ku guuleysteen inay suuro-geliyaan in howlaha xukuumadda Soomaaliya ay gaarsiiyaan goobo kala duwan oo dalka ka tirsan.
Si kastaba ha ahatee, kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee New York ay ku leeyihiin maanta ayaa looga hadlayaa xaaladda ka jirta Soomaaliya iyo sidii caalamku uu gacan uga geysan lahaa ka gudbidda caqabadaha ku hor-gudban dowladda Soomaaliya si dalka doorasho ay uga dhacdo sannadka 2016-ka.
HargeisaPress News Deskย โ Hargeysa
hargeisapress@gmail.com