NAROBI, kenya —Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka hadley weerarkii argagixisada ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday mid ka mid ah heteelada ku yaalada magaalada Nairobi.
International community, diplomatic missions condemn Dusit attack, vow to stand with Kenya
Sidoo kale Ambasador Baashe Cawil ayaa cambaareeyey weerarkaasi shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.
Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.
Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.
HargeisaPress News Desk- Hargeysa