Norway (HP): Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liile), ayaa sheegay in dunidu soo dhawaysay hanaankii ay doorashadaasi u dhacday oo ay ku tilmaameen dimoqraadiyad ka bilaabantay Geeska Afrika.
Waxa kaloo uu sheegay in Norway iyo Denmark, oo doorashaddii Somaliland u soo dirtay goob joogeyaal ay xafiiskiisa soo gaadhsiiyeen warbixino ay ku cadeeyeen in doorashadii Somaliland ay ahayd mid si wanaagsan u dhacday.
Taasoo keenaysa in beesha caalamku taageerto Somaliland, isla markaana ay warbixintoodda ku cadeeyeen sidii dimoqraadiga ahayd ee ay doorashadaasi Somaliland uga dhacday.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.