Daawo: Waraysi Lala Yeeshay Aasaasaha Barnaamijka Walaal Ila Orod

0
438

London (HP): Guddoomiyaha ama aasaasaha Walaal Ila Orod, ayaa ka warbixiyay sababaha ku dhaliyay inuu hal-abuurro barnaamijkaasi sida ay bulshaddu u aragto.

Barnaamijkaasi oo si weyn ay  u soo dhaweeyeen guud ahaanba   bulshadda Soomaalida ah, gaar ahaana baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka.

Ismaaciil Caydiid Aadan, oo loo garan og yahay Injiineer Jumayka, aasaasaha barnaamijka Walaal Ila Orod, ayaa  kadibna waxa uu u soo gudbay oo uu barnaamijkaasi ka sameeyay wadanka hooyo.

Barnaamijkan Walaal Ila Orod, ayaa ku soo beegmaya xili uu dunida ka jiro xanuunka Covid-19, kaasoo waxyaabaha lagaga hor tegi karro ay ka mid tahay in jimicsi la sameeyo.

Ismaaciil Caydiid Aadan, oo loo garan og yahay Injiineer Jumayka,  waxa uu hore u soo ahaa ciyaartooy hore oo berisamaadkii ka tirsanaa xulkii Madbacadda qaranka ee Soomaaliya.

Telefishanka Universal ayaana Ismaaciil Caydiid Aadan,  ka waraystay sida uu barnaamijkaasi u hindisay iyo waxyaabaha ay bulshadda Soomaalidu ka faa’iiday tan iyo markii uu hal-abuuray.

 

DAAWO: Waraysiga Injiineer Jumayka:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY