Wakhtiga Qabsoomidda Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Khilaaf Ka Taagan Yahay Iyo Xubno Ka Tirsan Hoggaanka Oo Dalbaday September 2015.

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qaar ka tirsan Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkan Warqad ogaysiin ah oo ay ku dalbanayaa in Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye Qabsoomo Bishan inagu soo aadan ee September u gudbiyay Madaxtooyada Somaliland,waxaana la sheegay in Dalabkaasi ka dhex abuuray khilaaf Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kadib markii ay qolo kale oo hogaanka ka mid ahi ka soo horjeesteen in Shirweynaha Golaha Dhexe Wakhtigaasi la qabto.
Sida warkani nagu soo gaadhay,Qaar ka tirsan Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo uu ku jiro Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad faah faahsan oo ogaysiin iyo codsi iskugu jirta todobaadkan u gudbiyay Madaxtooyada Somaliland kaasi oo ay tafaasiil kaga bixiyeen qabsoomida shir Weynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ay ku sheegeen inay qabanayaan dhamaadka bishan inagu soo aadan ee SEPTEMBER 15 ilaa 20-keeda,waxa kale oo sida la sheegay warqadaasi ku qeexnayd oo si dhamaystiran loogu faah faahiyay qaabka shirkaasi u qabsoomayo,khudbadaha laga jeedinayo,Khudbada Madaxweynaha,Masuuliyiinta shirkaasi ka hadlaya,Marti sharafta lagu soo Macsuumayo iyo wakhtiga uu soconayo Shirkaasi,iyo sidoo kale goobta shirka lagu qabanayo.
Sida la sheegay markii ay warqadaasi soo gaadhay madaxtooyada waxa kadaba yimid oo Madaxtooyada isku soo shubay Qaar kale oo ka tirsan Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xubno Miisaan culus ku leh Xisbiga Kuliye oo aad u firficoon,kuwaasi oo sida la sheegay iyaguna dhinacooda dacwad ka dhan ah go’aankaasi hore ee ay hogaankooda kale soo gudbiyeen iyaguna u gudbiyay Madaxtooyada,oo ku sheegay go’aankaasi hore mid aan la isku raacsanayn oo lagu kala qaybsan yahay,waxa ay bud-dhig uga dhigeen dacwadoodan in cid gaar ahi afduubanayso qabashada Shirweynaha Golaha dhexe hadii lagu deg degana ay Xisbiga ku keenayso kala qaybsanaa iyo burbur horleh. Kala jabkaasi iyo khilaafkaasi ka soo dhex Cusboonaaday Xisbiga Kulmiye ee ku saabsan wakhtiga ku haboon in shir weynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye la qabto ayaa keentay in Madaxtooyadu soo dhex gasho,waxaana la sheegay in Madaxtooyadu gabi ahaanba masaxday in Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye qabsoomo Bishan Inagu soo aadan ee SEPTEMBER,Wakhtigaasi ayaa la sheegay inay Madaxtooyadu aad uga soo horjeedsatay una aragtay in cida wakhtigaasi wadataa aanay u danaynayn Jiritaanka Xisbiga Kulmiye.
Dhinaca kale,warar kale oo Madax Banaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa hoosta ka xariiqay in Aqlabiyada Xisbiga Kulmiye qorshaynayo in Shirka Golaha dhexe dib loogu riixo wakhti ku dhaw dhamaadka Mudo xileedka Loo kordhiyay Xukuumadda Kulmiye siiba marka ay ka hadhsan tahay ugu badnaan Saddex bilood,arintaasi oo la sheegay in lagaga gaashaamanayo in wax tafaraaruq ahi ku yimaado Xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo la doonayo in mar qudha uun la waajaho jawiga Cusub ee looga guurayo kii hore,waxaana arintaasi oo ay soo jeediyeen qaar ka tirsan Xubnaha ugu miisaanka Culus Kulmiye si weyn u soo dhaweeyay Madaxtooyada oo u aragta inay dan u tahay jiritaanka Xisbiga Kulmiye oo aduun iyo muruq rag ku duugan yahay.

 

 

Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here