Muqdisho (HP): Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku soo gebagaboobay shirkii wada tashiga qaran oo socday muddo laba maalmood ah.
Shirkaasi oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa laga soo saaray wakhtiga la qabanayo doorashooyinka dalkaasi.
Raysal wasaare Rooble, isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sida oo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada waxa uu magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.
Qodobadda laga soo saaray shirkaasi waxaa warbaahinta u akhriyay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow.
https://youtu.be/ggjThFW9hzA
Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.