Dubai ,(HargeisaPress) —Waftigii madaxwayne ku xigeenku Somaliland Eng C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) hogaaminayay oo isla markii ay ka degeen gagida diyaaradaha ee Dubai si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.
https://youtu.be/VcGrj0Ldr1U
Waxa halkaa ka galbiyey kolonyo baabuur ahoo loo sii diyaariyey una ambabixiyey xarunta Madaxtooyada looga taliyo dalka isutaga imaaraadka ee Abudhabi waxaana, isla geli kii danbe ku qaabilay xarunta madaxtooyada Wasiirka madaxtooyada Sheekh Mansuur binu Zayed Aala Nahyaan iyo xubno golaha wasiirada ah. Waxaana laga wada hadlay Arimaha abaarta iyo xoojinta iskaashiga labada dal oo si qoto dheer loo lafa guray wax badana la isla meel dhigay.
Waftiga ayaa la filalayaa in ay maalinta biri ah gudo gali doonaan qaybaha kale ee kulamada ay ku dardar galinayaan shaqooyinkii ay u tageen halkaasi.
Waxa la islameel dhigidonaa sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkeena abaraysan iyo dabcan base kii UAE uu ka dalbaday somaliland ee dhawaanta ay ansaxiyeen parliament somaliland, waxa halkaa ka muuqda in somaliland iyo dalka aynu walaalaha nahay ee UAE noqdeen labada dal oo is garabsanaya siyaasad ahaan iyo xagdhaqaale ba.