Laascaanood, (HargeisaPress) —Wafti wasiiro iyo masuuliyiin kale ka kooban oo ka socda xukuumadda Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaana waftigan wasiirada ah hogaaminaya wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana faahfaahin laga bixiyey ujeedada socdaalkoodu daaran yahay.